Madaxweynaha Somalia Oo Shir Degdeg Ah Isugu Yeedhay Madaxda Maamul Goboleedyada

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay isagoo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la guda galo qabsoomidda doorashada, wuxuu shir iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay shirkaan in lagu qabandoono magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug uuna socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.
Wuxuu sidoo kale madaxweynuhu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeeray xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.
Ku dhawaaqida shirkan ayaa yimid saacaddo kadib markii madaxweyne Farmaajo uu galabta la kulmay wakiiladda beesha caalamka ayna kala hadleen in si deg deg ah lagu xalliyo caqabadaha hortaagan doorashada.