Wefti Ka Socd Ruushka Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Madaarka Hargeysa kusoo dhoweyey Wafti sare oo ka socda dalka Dalka Ruushka, kuwasoo daynaynaa in ay maalgashi ku sameeyaan Somaliland.

Ujeedada waftiga ayaa waxa si kooban uga Warbixiyay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxaanu yidhi “Maanta waxanu Madaarka Hargeysa u joogna, waxanu Halkan kusoo dhowaynayanaa Wafti sare oo ka socda, dalka Ruushka, waxana hoggaaminaya

Agaasimaha Xafiiska iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dawlada Ruushka ee Qaarada Afrika, ee loo soo gaabsado, (AFROCOM),  Mr. Stanislav Mezentsev.

Waftiga Ruushka ka socda, waxay Somaliland u yimaadeen soo Indho-indheynta iyo sidii ay Somaliland uga fulin lahaayeen Mashaaric Horumarineed, waftigani waxay Somaliland u yimaadeen 2008-dii, oo waxay la kulmeen Madaxweyne Riyaale. Sidoo kalena Waqtigaas Waqtigaas soo mareen meelo badan oo dalka kamid ah, Mr. Stanislav Mezentsev, waxa uu Madaxweyne Butin u Magacaabay Xafiiska iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dawlada Ruushka ee Qaarada Afrika.

Sidaas daraadeed maha markii koowaad ee waftiga sare oo ka socda dalka Ruushku yimaadan Somaliland, sidoo kale waxay Wafti ka socda dalka Ruushku yimaadeen Somaliland 2017-kii March, marka waxanu leenahay kusoo dhowaada dalka”. Ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

Sidoo kale, agaasimaha Xafiiska iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dawlada Ruushka ee Qaarada Afrika, ayaa u mahad-celiyey soo dhoweynta loo sameeyey, sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Ruushku qorsheynayo inuu maalgashi ku sameeyo dalal kamid ah Geeska Afrika, sida Somaliland Jabuuti iyo Itoobiya.