Weerar Qarax Iyo Rasaas Isugu Jira Oo Lagu Qaaday Hotelka Afrik Ee Muqdisho

HomeSomali NewsBreaking News

Weerar Qarax Iyo Rasaas Isugu Jira Oo Lagu Qaaday Hotelka Afrik Ee Muqdisho

Soomaaliya: Dad Ku Dhintay Saddex Qarax Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho
Gabadh uurleh oo ka Badbaadday Jar dheer oo Ninkeedu ka Tuuray.
Midawga Afrika Oo Soo Saaray Wakhtiga Talada Sudan La Wareejinayo
Ethiopia Oo Aas Qaran U Samaynaysa Madaxweyne Hore
Qaramada Midoobay oo War Cusub kasoo Saartay Dilkii Jamaal Khashooqji.

Muqdisho, (HCTV) – Hotelka Afrik oo ku yaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu qaaday weerar qarax iyo rasaas isugu jira oo ay ku qaaday kooxda Al-shabaab, sida ay sheegeen ciiidamada booliska Somalia.

Gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa galabnimadii maanta ku dhacay albaabka laga galo Hoteelka Afrik, oo ku dhow isgoyska istiraatiijiga ah ee K-4 ee magaalada Muqdisho, afhayeenka bilayska Sadiiq Aadan Cali sida uu sheegay, kaas oo qaraxa ka dib in  dabley hubeysan ay si deg deg ah ku soo galay hoteelka, iyaga oo rasaas ku furay shaqaalihii iyo dadkii gudaha joogay.

Ciidamada dowladda ayaa ka jawaabay weerarka, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas ka socota hoteelka. Booliska ayaa dad badan ka badbaadiyay hudheelka, oo ay ku jiraan milkiilaha iyo jeneraal ciidan. Ugu yaraan toddobo qof oo rayid ah oo dhaawac ah ayaa la arki karay, in kasta oo booliisku aanu isla markiiba bixin tirada dhimashada. Al-Shabaab, oo ah koox jihaad doon ah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

COMMENTS