Golaha Guurtida Somaliland Oo Ga’aamo Kasoo Saaray Iswaafajinta Doorashooyinka, Cayimayna Muddo-Xileedka Golaha Wakiillada

Hargeysa, (HCTV) – Fadhi aan caadi ahayn oo uu maanta yeeshay golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxa lagu cayimay muddo-xileedka Golaha Wakiillada, iyadoo la waafajiyey jadwalka ay Guddida Doorashadu u dejisay qabsoomida Doorashada ee 31-ka May ee sanadkan 2021.

Guurtida oo hore muddo-xileedka Golaha Wakiillada uga dhigay dabayaaqada sanadkan, ayaa kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen maalintii Isniinta guddi ugu saaray is-waafajinta go’aanka Guddida Doorashadu ku cayimeen xilliga Doorashada iyo muddo-kordhintii ay u sameeyeen Golahaasi.

Guddida Guurtidu u saartay ka soo talo-bixinta sida ay isu-waafaqi karaan labada go’aan, ayaa isla maanta oo Salaasa ah horkeenay golaha talo-bixintooda, waxaanay guddidu soo jeediyey “In muddo-xileedka Golaha Wakiilladu ku eegyahay bil kaddib maalinta Doorashadu qabsoonto”taasoo ka dhigan in haddii Doorashadu qabsoonto bisha May ee sanadkan sida Komishanka Doorashooyinku muddeeyey, Golaha Wakiillada ee hadda fadhiya xilkoodu dhamaanayo bisha June oo uu bedelayo golaha cusub ee la doortay.

Go’aanka guddida Guurtida waxa ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka Golahaasi Siciid Jaamac Cali, waxaana cod gacan-taag ah ku ogolaaday 78 Mudane oo kamida 83 xildhibaan ee Golahaasi ka kooban yahay, cid diidday iyo cid ka aamustay midna ma jirin, Guddoomiyuhuna muu coddeyn.

“Go’aankani wuxuu khuseeyaa oo kaliya golaha Wakiillada”ayey guddida guurtidu ku sheegeen soo-jeedintooda.