Shir Maamul Goboleeyada, Dawladda Somalia Uga Furmaya Dhuusa-Mareeb Iyo Madaxweynaha Jubbaland Oo Gaadhay Halkaasi

Dhuusa-mareeb, (HCTV) – Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedada Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Iyo Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa u socdaalay magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug oo uu shir uga furmayo.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubnihiisa gollaha Wasiirradda.

Dhinaca kale Madaxwyenaha Puntland Siciid Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta duhurkii ka ambo baxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa ka dagay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Deni ayaa safar dhulka ah ugasii gudbay magaalada Dhuusomareeb halkaas oo uga qeyb galayo shirka wada tashiga dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Warar aan helnay waxay sheegaya in madaxweyne Deni sababo amni awgeed uu uga baaqsaday inuu ka dago garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb halkaas oo xalay ay madaafiic ku garaaceen Alshabaab.

Madaxweyne Deni waxaa galbiyay ciidamo aad u badan oo kagasii horeeyay Cadaado iyo gaadiid dagaal oo suga amnigiisa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusmomareeb ayaa walwal laga muujiyay kadib madaafiicda lagu weeraray, inkastoo ciidanka amnigu sheegeen in la qaarajiyay kooxdii ka dambaysay lanasoo bandhigay maydadkoodii.