Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiir-Ku-Xigeenka Norway U Fadhiya Kenya

HomeSomali News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiir-Ku-Xigeenka Norway U Fadhiya Kenya

“Xafiiska Waa la Gubay….Idaacaddana Waa La Fadhiisiyay” Guri Barwaaqo
Wasaarada Shaqo Galinta Somaliland Oo Sheegtay In Shaqaalaha Dawladdu Fasax Yihiin Maalinta Sabtida Xuska 26-ka June Awgeed
Gudoomiyaha SOLJA Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Amar Ka Soo Baxay Wasaarada Warfaafinta
Mediterranean: Badda U Dhaxaysa Yurub Iyo Africa Oo Noqotay Xabaasha Aduunka Ugu Wayn
Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Oo Doonaya In Wada-hadal Dhex Maro Dawladda Dhexe

Hargeysa, (HCTV) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir-ku-xigeenka Norway u fadhiya magaalada Nairobi Amb. Stian Christensen oo uu wehelinayo ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Theidi Johansen.

Kulankan, ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga horumarka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo kaalinta uu dalka Norway ka qaadan karo, waxana ay Jamhuuriyadda Somaliland soo dhaweysay in Norway kaalin ka qaadato wada-hadallada iyo kala gurashada labada dal, maaddama waddanka Norway yahay dal dhexdhexaad ah, islamarkaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo nabadda adduunka. Ugu dambayn, waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa iyo guul.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS