Shirkii Wadatashiga Maamul Goboleedyada Iyo Dawladda Federalka Somalia Uga Socday Dhuusamareeb Oo Natiijo La’aan Kusoo Dhamaaday

Dhuusamareeb, (HCTV) – Shirkii Wadatashiga Maamul Goboleedyada Iyo Dawladda Federaalka Somalia uga socday agaalada Dhuusamareeb ayaa gabi ahaanba burburay oo lagu kala taggay kadib markii ay isku afgaran waayeen dhinacyadaasi shirka yeeshay.

ShirkaDhuusa-Mareeb ayaa saddexdii cisho ee la soo dhaafay lagaga wada hadlayay dhameynta khilaafka ka taaggan doorashada dalka oo aan wali heshiis lagu aheyn.

Arrinta gobolka Gedo oo ah xuddunta khilaafka iyo sababta  in shirka lagu kala dhaqaaqo ayeey isku mari waayeen madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe[ gaar ahaan cidda maamuleysa doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ee lagu waddo in ay ka dhacdo magaalada Garbahaarey.

Jubbaland ayaa dalbatay in marka hore gacanteeda lagu soo celiyo guud ahaanba gobolka Gedo oo Garbahaarey-na ay ka mid tahay, lagana saaro gabi ahaanba ciidamada dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka iyadoo taa badalkeedana la geynayo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Hasse ahaatee Madaxweynaha Farmaajo ayaa lagu waramayaa in uu arintaa ku gacanseyray isaga oo ku adkeysanaya in doorashada gobolka Gedo ay dowladdu maamuleyso, waana tan keentay in ugu danbeyntii shirku ku soo idlaado natiijo la’aan.

Dadka sida dhaw ula socday shirkan ayaa qaba in markii horeba uusan aheyn mid daacad laga wada ahaa hasse ahaatee beesha caalamka ay ku qasabtay in hoggaamiyayaasha Soomaalidu in ay  is arkaan kana wada hadlaan khilaafka doorashada.

Saacadaha hore ee maanta ayaa la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo xildhibaannada ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka ka soo duulaan magaalada DhuusaMareeb iyaga oo ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ceeb ku tahay in doorashadii dalka u baabi’iyo gobolka Gedo oo jifo ahaan ka soo jeedo iyadoo taa badalkeeda loo baahnaa in magaalooyinka Soomaaliyeed oo dhan isugu mid noqdaan.

Wasiirka warfaafinta Dowlada Federalka Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id qabtay xalay xilli dambe ayaa sheegay Dubbe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu maanta qudbad uu u jeedinayo golaha baarlamaanka.

Khudbada madaxweynaha ee Baarlamaanka oo siweyn isha loogu wada hayo ayeey dad badani qabaan in uu ku codsan doono muddo kordhin maadaama maalin uun ay ka harsan tahay muddo xilkeedka uu xafiiska sii joogayo oo u eg 8 bisha February.