Mucaaridka Somalia Oo Dawladda Uga Digay Inay Caqabad Ku Noqoto Dibadbaxa Maalinta Jimcaha

Muqdisho, (HCTV) – Midowga Musharixiinta ayaa uga diggay dowladda Soomaaliya ay carqaladeyso dibadbaxa lagu waddo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ku baaqay dibadbaxan ayaa uga diggay laamaha amniga in ay is hortaagaan isku soo baxa dadweynaha, balse taa badalkeeda looga baahan yahay in ay sugaan nabad-galyada dadka dibadbaxa ka qeybgalaya maadaama dibadbaxu yahay mid nabaddeed oo dadku shacuurtooda ku muujinayaan.

‘“Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Amniga waxaan ugu baaqeynaa in aysan carqaladeyn banaanbaxa, waxaana laga doonaayo in ay sugaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.”ayuu yiri Musharax Geelle.

Midowga musharixiinta ayaa dibadbaxan ku tilmaamay in uu yahay mid nabaddeed oo shacabku ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan sii joogitaanka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee muddo xileedkiisu ku ekaa 8dii bishan Feberaayo.