Dibadbax Ka Dhacay Muqdisho Iyo Ciidamada Oo Rasaas U Adeegsaday

Muqdisho, (HCTV) – Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal ay horkacayeen Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xili ay ku dhawaayeen Isgoyska KM4.

Dadka dibadbaxa ku wehlinayay siyaasiyiintan ayaa markii ay rasaastu ku bilaabatay la arkayay iyaga oo kala firxanaya, kaddib markii ay ciidamada dowladda u adeegsadeen hub culus.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo dhiggay bartiisa Facebook  ayaa yiri  ”Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayeey  isku sii badinayaan Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa kol horeba ka digtay in ay dadku isku soo baxaan, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku adkeystay in maanta oo Jimco ah dhigayaan dibadbax sida ay hadalka u dhiggeen ay ku dalbanayaan Dimuquraadiyad iyo waliba in dalka doorasho deg deg ah ka dhacdo.

Dhinaca kale Waxaa la arkayay Uuro iyo qiic madow oo hawadda isku shareeray kaddib markii madaafiic lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaar ka mid ah madaafiicdan ku dhaceen garoonka diyaaradaha, taasoo keentay in ay  istaagaan howlihii garoonka.

Lama oga cida madaafiicdan adeegsatay hasse ahaatee arintan ayaa imaaneysa xili magaalada Muqdisho ay ku jirto jawi degganaan la’aan ah, iyadoo ciidamada dowladdu ay isku dayayayaan joojinta dibadbaxyo ay dhigayaan musharixiinta mucaaradka.

Dhinaca kale waxaa deggan xaalada Isgoyska Km4 oo saacado ka hor ciidamada dowladdu rasaas ku kala eryeen dibadbaxayaal ay horkacayeen siyaasyiin ay ka mid ahaayeen Xassan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.