Muqdisho: Ismiidaamiye Isku Soo xidhay Walxaha Qarxa Oo La Qabtay

Muqdisho, (HCTV) – Ciidamada Booliska Somalia ayaa gacanta ku dhigay Ismiidaamiye isku soo xidhay walxaha qarxa, maanta oo Salaasa ah.

Ciidamada ayaa ka war helay qofka Ismiidaamiyaha ah kadibna waxa uu ku tuuray jaakadii uu xidhnaa meel aan ka fogeyn saldhig degmada Xamar Weyne, waxaanu qaraxa dhaawac cka soo gaadhay mid ka mid ah ciidamadii eryanayey nika jaakada qaraxa ah ku soo tuuray.

Boolisku waxa ay intaa ku dareen in uu damacsanaa qarax hasse ahaatee markii danbe ciidamada oo eryana uu jaakadii uu xirnaa ee qaraxa uu ku tuuray ilinka hore ee saldhiga degmada Xamar weyne gaar ahaan meel aan ka fogeyn goob ganacsi uu ku dhaw saldhig.

Inta la xaqiijinayo labo qof oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal ciidan ayaa ku dhaawacmay qaraxan, waxaana ay ciidamadu gacanta ku dhiggeen qofkii doonayay in uu is qarxayo laakiin iska furay jaakadii uu xidhnaa, sidaana ay ku soo qabteen ninkii Ismiidaamiyaha ahaa.