Raysal Wasaare Rooble Iyo Midawga Musharixiinta Somalia Oo Kulan Ay Yeesheen Heshiis Ku Gaadhay

Muqdisho, (HCTV) – Kulan ay yeesheen Raysal Wasaaraha Somalia Maxammed Xuseen Rooble iyo midawga Musharixiinta Somalia ayaa laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Waxaana kulanka lagaga hadlay arimo xasaasi ah oo dhacay todobaadkan, waaxanay labada dhinac ku heshiiyeen in guddi loo saaro wixii ka dhacay dibadbixii Jimcihii hore mucaaridku dhigeen oo xukuumada Raysal Wasaare Rooble ay sheegtay inay ka xun tahay, guddi baadhana loo saaro.

Sidoo kale Waxaa ay dhinacyadu ku heshiiyeen in la sii anba-qaado kulamada xalka loogu raadinayo sidii ay dalka uga dhici laheyn doorasho wadar ogol ah oo dhinacyada oo dhan ku qanacsan yihiin.