Johannesburg: Maxkamad 20 Sano Ku xukuntay Nin Gubay Gabadh Uu Saaxiib La Ahaa

Johannesburg, (HCTV) – Maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika ayaa 20 sanadood oo xabsi ah ku xukuntay Mpho Thobane oo gubay Viwe Dalingozi oo uu saaxiib la ahaa.

Ninkan dhalinyarada ah ee Maxkamadu xukunka 20-k sanadood ah ku riday Khamiistii shalay ayaa da’diisa lagu sheegay 29 jir, kaas oo lagu helay inuu Viwe Dalingozi óo iyadana da’deedu tahay 32 jir uu badrool iyo dab isku raaciyey bishii October 2018-kii xili ay huruday dhismmme ku yaala Joburg CBD, kadibna waxa uu u baxsaday Limpopo.

Sida laga soo xigtay afhayeenka Gauteng NPA Phindi Mjonondwane, labadan qof ayaa ku murmay kadib gabadha Dalingozi ay wakhti la qaadatay nin hore oo ay saaxiib ahaayeen.

Dacwad oogaha gobolka, oo magaciisa la yidhaa Welcome Madela ayaa sheegay in Thobane aanu ka muujin wax qoomamo ah dambiga uu galay.