Madaxweyne Farmaajo Oo Boggaadiyey Heshiiskii Xukuumadda Iyo Midowga Musharixiinta

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay heshiiskii xalay dhaxmaray dowladda iyo Midowga Musharixiinta.

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ku boggaadiyey Ra’iisul Wasaare Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

Heshiiska xala yayaa sababay midowga Musharixiintu dib uga laabtaan dibadbax ay doonayaan in ay maanta ka dhigaan magaalada Muqdisho.