Maraykanka Oo Ciidamada Eritrea Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Gobolka Tigrayga

Washington, (HCTV) – Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa Eritrea ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo goobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia, si loo soo afjaro dilka iyo ku xadgudubka bani’aadamka ee ka jira halkaasi.

Baaqan dawlada Maraykanka ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii CNN iyo Amnesty international ay baadhitaano ku saabsan gumaadka dad rayidka ah ee lagu laayey laba goobood oo ka tirsan waqooyiga gobolka Tigrayga ay ku sameeyeen, sanadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale waxa la rumaysan yahay in kumanaan rayid ah la dilay tan iyo markii Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu bilaabay hawlgalka milatari ee ka dhanka ah gobolka Tigrayga.

CNN-ta ayaa markii u horaysay ku warantay in ciidamada ka yimid dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea ay ka gaysteen gobolkaasi dil sharci daro ah iyo xadgudubyo daran oo dhinaca aadanaha ah.

“Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay gaboodfallada laga soo sheegay iyo xaaladda guud ee ka sii daraysa ee gobolka Tigrayga ee Itoobiya,” ayuu Blinken ku yidhi hadal uu soo saaray Sabtidii. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa dilalka, qasabka ka saarida iyo barakicinta, faraxumeynta dhinaca galmada, iyo xadgudubyada kale ee aadka u daran ee xuquuqda aadanaha iyo xadgudubyada ay geystaan dhowr dhinac oo ururo badan ay ka soo sheegeen Tigray. Wuxuu intaas ku daray “waa in lala xisaabtamaa kuwa iyaga masuulka ka ah.”