Wasiirka Maaliyada Ethiopia Oo Ka Hadlay Hanaanka Lagu Madaxbanaanaynayo Isgaadhsiinta Dalkaasi

Addis Ababa, (HCTV) – Wasaaradaha Maaliyada iyo Isgaadhsiinta Ethiopia ayaa bilaabay shir lagaga hadlayo geedi soodka madaxbanaanaynta hanaanka isgaadhsiinta ee dalka Ethiopia.

Shirkan oo socon doona laba maalmood ah ayay ujeedadiisu tahay in macluumaad la siiyo ama ay isku dhaafsadaan qandaraasleyda daneynaya, iyo in lagaga jawaabo su’aalahooda ku saabsan geeddi-socodkan.

Wasiirka Maaliyadda, dalka Ethiopia, mudane Axmed Shide, ayaa sheegay in furitaanka waaxda isgaarsiintu ay horseedi doonto tartan caafimaad qabta oo ka dhalan doona adeegyada isgaarsiinta oo la hagaajiyo iyo helitaanka sare ee u sahlaya Itoobiya inay kordhiso fursadaha isbadal ee ay soo bandhigtay dhaqaalaha casriga ah ah.

Wufuudda Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradda Horumarinta iyo Teknolojiyada, Bangiga Qaranka ee Itoobiya, Guddiga Maal-gashiga Itoobiya, iyo Ethio-Telecom ayaa kaga qayb-galay shirka habka maqal-araga ama fiidiyowga, iyagoo ku soo bandhigaya warbixinno muhiim u ah ka qayb-galayaasha ixtiraamka leh ee doorkoodu yahay qaybta isgaadhsiinta.

Shirkado isgaarsiin caalami ah oo sumcad iyo khibrad leh ayaa kaqeyb galay shirka jawaabaha su’aalaha ay soo jeediyeenna waxaa bixiyay wakiilada dowlada iyo khubarada.