Al-Shabaab Oo 5 Qof Toogatay Kadib Markii Ay Ku Eedaysay Basaasnimo

Jilib, (HCTV) – Wararka ka imanaya degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab goob fagaare ah ay ku toogteen shan qof oo ay ku eedeeyeen in ay xidhiidh la lahaayeen CIA-da Mareykanka.

Fagaaraha toogashada lagu fuliyay ayaa waxaa isugu yimid dadweyne fara badan oo ay Al-shabaab ay ugu baaqeen in ay u soo daawasho tagaan fulinta toogashada, mana aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay sameeyaan Al-shabaab.

Ragga ay toogashada ku fuliyeen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay ”Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka.. Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka,  Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.

Horay sidan oo kale Al-shabaab ayaa qeybo badan oo ka mid ah dalka ku fuliyay dilal noocan oo kale dad ay ku eedeeyeen in ay yihiin jawaasiis u basaasa hay’addo shisheeye iyo dowladda Soomaaliya, laakiin marnaba ma soo bandhigaan caadeymo arrimahaa muujinaya ama qiraada dadka ay toogashada ku fuliyaan.