Midawga Musharixiinta Iyo Raysal Wasaaraha Somalia Oo Shir Ay Yeesheen Isku Fahmi Waayey

Muqdisho, (HCTV) – Midowga Musharixiinta ayaa soo bandhigay ilaa 4 qoddob oo sabab u ahaa fashilka ku dhacay shirkii xalay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ay ku yeesheen Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Musharixiinta ayaa hor dhigay Ra’iisal Wasaaraha ilaa afar qoddob oo waaweyn kuwaa oo sababay in markii danbe shirku burburo, iyaga oo ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha in uu awoodi kari waayay go’aan qaadasho sax ah, madaama ayeey sheegeen looga dhaganaa dhinaca madaxtooyada.

Qoddobada ay ka dalbadeen Midowga Musharixiinta Ra’iisal Wasaaraha ayaa kala ahaa

1- In Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo,

2- In ciidamada dowladda laga saaro siyaasadda si loogu kalsoonaado guud ahaanba amaanka dalka gaar ahaan doorashooyinka, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidamada ee qeybta ka qaatay weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qayb-galka Midowga ee Wadahadallada Doorashooyinka.

Laakiin Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahan in la muujiyo sida uu hadalka u dhigay daacadnimo iyo tanaasul, islamarkaana aan la abuurin caqabado hor leh iyo khilaaf aan muhiimad iyo micno weyn lahayn.”

Ra’iisal Wasaaraha ayaa intaa ku darray in ay ka go’an tahay in la sii wado wadahdalada la xiriira doorashooyinka, iyadoo lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaaray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu lahaa sababta fashilka shirka isaga oo ku eedeeyay in uu fariimo is daba joog ah u soo dirayay Ra’iisal Wasaaraha intii lagu guda-jiray shirka.