Agaasimaha Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Qalab Caafimaad Kala Wareegay Hay’adda WHO

Hargeysa, (HCTV) – Agaasimaha guud ee Wasaarada horumarinta Caafimaada Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa hay’adda caafimaadka ee WHO kala wareegay qalab caafímaad oo ay soo gaadhsiisay wasaarada.

Deeqda qalabkan caafimaad ee soo gaadhay wasaarada caafimaadka ayaa isugu jirtay qalabka uu ku shaqeeyo mishiinka lagu shaybaadho xanuunka COVID19, qalabka lagaga gaashaanto xanuunkaasi iyo waliba daawooyin loogu talo galay dadka qaba xanuunkaasi COVID19 qaba.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Deeq oo ka mid ah masuuliyiinta xafiiska hay’adda WHO ee Hargeysa, kaas oo yidhi “Waxaanu maanta ku wareejinaynaa Wasaarada Caafimaadka agab dhan 159 kartoon oo ka kooban waxyaalaha lagu eego COVID19, qalabka lagaga gaashaanto iyo dawooyin COVID19 ah oo wax weyn ka tari doona xanuunkan,” ayuu yidhi Sarkaalkaasi ka tirsan xafiiska WHO ee Hargeysa.