Soomaaliya Oo Shaacisay In Laba Milyan Oo Qof Ay Wajahayaan Cunno Yari Iyo Biyo La’aan

HomeSomali News

Soomaaliya Oo Shaacisay In Laba Milyan Oo Qof Ay Wajahayaan Cunno Yari Iyo Biyo La’aan

Madaxweyne Biixi Oo Ka Jawaabay Eedo Uu U Jeedin Jiray Cigaal Oo Hada Gondisiisa Yaala
Dawladda Sweden oo ka Noqotay Xayiraaddii Socdaalka Hargaysa.
Daawo Madaxweynaha Somaliland Ayaa Kormeer Ku Tagay Xarunta Shaybaadhka Tayada Cuntada Iyo Dawooyinka Ee Berbera
Dibad-bax Lagaga Soo Horjeedo Dilka Dhalinyaro Caafimaadka Ka Shaqeynayay Oo Balcad Ka dhacay
Milatariga Sudan Oo Diiday Gole Aqlabiyada Shacabku Leeyihiin In Dalkaa Uu Xukumo

Muqdisho, (HCTV) – Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay in labo milyan oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay wajahayaan cuni yari iyo biyo la’aan ka dhalatay abaaraha, Ayaxa iyo caabuqa Covid-19.

Wasiirka gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo Muqdisho ay ku qabteen guddiga gurmadka qaran ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in xaaladda bin’aadanimo ee Soomaaliya ay gaartay heerka saddexaad ee qiimaynta Abaaraha.
Wasiir Khadiijo Diiriye waxay tilmaamtay marxalada hadda lagu jiro in ay sii cakirayso arrimaha binu’aadanimo ee dad ka badan shan milyan oo horay ugu baahnaa gargaar aadanimo.
Waxay ugu baaqday hay’addaha qaramada Midoobay iyo kuwa maxaliga ah in ay bixiyaan gurmad naf badbaadin ah, waxayna dowladda federalka iyo maamul goboleedyada ugu baaqday in loo midoobo xaaladdan adag ee dalku wajahayo.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay hay’addaha caalamiga ah ay kala hadleen in ay si degdeg ah ugasoo jawaabeen codsi dowladdu u jeedisay.

COMMENTS