Ururka MSF Oo Sheegay In 70 Xarumihii Caafimaadka Ee Gobolka Tigrayga La Bililiqaystay

Addis Ababa, (HCTV) – Ururka Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee magacooda loo soo gaabiyo MSF ayaa sheegay in xarumihii adeegyada caafimaadka ee gobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia, 70% laga dhigay wax la biliqaystay iyo wax la burburiyey, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray ururkan caalamiga ah ee dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn.

Kuwaas oo tilmaamay in kooxdoodu ay baadhitaan ku sameeyeen ama ay ku soo wareegeen 106 goobood oo ka tirsan gobolka bishii December 2020 illaa March 2021, waxaanay ogaadeen in 70% xarumaha caafimaadka ee Tigray la bililiqeystay.

“Dhismayaasha daweynta ee gobolka Ethiopia ee Tigray waa la bililiqeystay, la bur-buriyay oo si ula kac ah loo burburiyay,” ayaa lagu yidhi bayaanka, iyadoo soo xiganaysa goobjoogayaal ku sugan gudaha gobolkaasi Tigrayga.

Bishii November ee la soo dhaafay, dawladda Itoobiya ayaa “hawlgal sharci fulin ay ku sheegtay” waxa ay ka bilawday gobolka waqooyiga ku yaala ee Tigrayga oo ka dhan ah jabhadda (TPLF), oo ay sheegtay in ciidamadoodu ay weerareen Taliska Woqooyi ee ciidanka federaalka Itoobiya ee ku sugnaa gobolka. Bishii November 28, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wuxuu ku dhawaaqay hawlgallada milatari, balse dagaallada goosgooska ah ayaa sii socday.

In ka badan 60,000 Itoobiyaan ah ayaa ka qaxay guryahoodii una qaxay dalka ay deriska yihiin ee Sudan halka ururada caalamiga ay ku baaqayaan in kor loo qaado gargaarka bina’aadanimo ee gobolka ee loogu talagalay dadka rayidka ah ee ay saameeyeen dagaalada.

Boqolaal kun oo rayid ah ayaa sidoo kale ku barakacay dalkan ku yaal Geeska Afrika waxayna aad ugu baahan yihiin gargaar deg deg ah.