Madaxweynaha Somalia Oo Mar Kale Shir Isugu Yeedhay Madaxweynayasha Dowadd Gobolleedyada Iyo Gobolka Banaadir

HomeSomali News

Madaxweynaha Somalia Oo Mar Kale Shir Isugu Yeedhay Madaxweynayasha Dowadd Gobolleedyada Iyo Gobolka Banaadir

“Ummadaha Marka La Qabsanayo Dalalkooda, Caqligaa Lagaga Soo Duulaa Oo Maandooriye Lagu Sii Daayaa..” Sh. Dirir
Dhaqangalinta Sharciga Gaadiidka Soomaaliya.
Xisbiga UCID Oo Gudbiyey Xubinta Uga Mid Noqonaysa Komiishanka Cusub Ee Doorashada
Murashax C.risaaq Jannogale Oo Nairobi Lagu Soo Dhaweeyay
Wefti Reer Jabuuti Ah Oo Dib u Dhigay Socdaal Ay Ku Iman Lahaayeen Somaliland.

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  mar kale shir isugu yeeray madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir in ay isugu yimaadaan 22-ka Maarso 2021 shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Kulanka madaxweynuhu ku baaqay oo socon doona muddo labo cisho  ayaa lagu sheegay in lagu soo gabagabeeyn doono  talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee kol hore ka soo baxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ixtiraamaan qoddobadii lagu heshiiyay magaalada Baydhabo.

Baaqa madaxweynaha ayaa imanaya xili loo madlanaa shir ay isugu yeereen bulshada caalamka madaxda Soomaalida  oo lagu wadday in uu ka dhaco xerada Xalane oo ay hadda ku sugan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

COMMENTS