Guddida Ka Hortagga Xanuunka COVID19 Ee Somaliland Oo Go’aamo Soo Saaray

Hargeysa, (HCTV) – Gudida ka hortaga caabuqa Covid-19 ee Somaliland ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay qasabtahay xidhashada afsaabka (facemask).

Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo akhriyay amarada ay guddidu soo saaartay ayaa sheegay in afsaabku waajib yahay hada kadib.

“Si looga hortago faafitaanka Covid-19 ee bulshada dhexdeeda, xidhashada afsaabku cid walba waa ku waajib” ayuu yidhi waasiir Khaliil.

Wasiirka ayaa sheegay in ay waajibtahay xidhashada afsaab ku dhamaan goobaha layskugu yimaado sida suuqyada, iskuulada, masaajidada, iyo gaadiidka dadwaynahaba.

Wasiirka ayaa sheegay in cid kasta oo u hogaansami wayda xidhashada afsaabka, loo aqoonsan doono cid xanuunka si u kas ah u faafinaysa.

“Cidkasta oo u hogaansamiwayda xidhashada afsaabka, waxa loo aqoonsanaya in uu yahay qof dhiirigalinaya, faafitaanka cudurka” ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidookale sheegay in amaradan cusub ay kamid yihiin kala fogaanshaha bulshada.

“Dhamaan bulshada waxa lagu wargalinaya in ay dhawraan kala fogaanshaha, ugu yaraan 2 mitir” ayuu yidhi wasiir Khaliil.