Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Maareeyihii Guud Ee Hay’adda Duulista Iyo Madaarada

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xilkii ka qaaday Maareeyihii Hay’adda Duulista Iyo Madaarada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol,  sida lagu sheegay Wareegto Madaxweyne oo maanta ka soo baxday Madaxtooyada taas oo u dhignayd sidan:

WAREEGTO MADAXWEYNE: 31 /03/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo JSL/XM/WM/222-643/032021   uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Cabdi Maxamed Rodol,

Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland