Ugu yaraan 51 Qof Oo Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Taiwan

Taipei, (HCTV) – Tareen nooca rakaabka qaada ah oo siday 490 qof ayaa shil ku galay dalka Taiwan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 51 qof, tiro kale oo badana way ku dhaawacmeen.

Tareenkan ayaa marayey buur daloosha oo hoosteeda la maro ee ku teedsan xeebta bari ee Taiwan, waxaa soo buux dhaafiyay goobta shilku ka dhacay dad doonaya inay arkaan qoyskooda iyo asxaabtooda maalinta ugu horreysa ee fasaxa dhamaadka todobaadka.

Saraakiisha booliska ayaa sheegaya in ay wali socoto sababta dhalisay shilkan tareenka, hase yeeshee waxa la rummaysan yahay in ay sababtay in tareenka ay isku dhaceen gaadhi kuwa dayac tirayey jidka tareenka ama inuu ahaa mid xamuul.

Tareenkan shilka galay ayaa ka yimid meel u dhow magaalada Taipei, waxaanu ku sii jeeday magaalo xeebeedka bari ee Taitung.

Shilkan tareen ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee soo mar=a dalkaasi mmudo ka badan 40 sano.