Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka Ururada Siyaasada

Hargeysa, (HCTV) – Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay xeerka Xeerka Ururada Siyaasada Somaliland (Xeer Lr 4/2021), kaas oo kaabis iyo wax ka badal iyo kaabis goluhu ku sameeyey.

Waxaanu xeerkani ogolaanaya in ururo siyaasadeed la furo marka muddo sharciyeedka xisbiyada hada jooga oo ku eeg 2022 uu dhamaado.

Xeerkan ayaa mudooyinkii u dambeeyey golaha Wakiilada Somaliland uu ka doodayey, waxaana ansixintiisa ogolaaday 40 mudane halka 3 mudanena ay diideen.

Hase yeeshee xildhibaanada xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaan iyagu ka qayb galin ansixinta xeerkan iyagoo ku tilmamay qorshe ay xukuumadu wadato, waxaanu xeerkani uu ogolaanayaa in ururo siyaasadeed lafuro kadib marka muddo sharciyeedka saddexda xisbi Qaran ee hada jooga dhamaato.