Gudoomiyaha Gobolka Baay Oo Ka Badbaaday Qarax Ismiidaamin Ah Oo Baydhabo Lagula Beegsaday

Baydhabo, (HCTV) – Guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow ayaa dirqi kaga badbaaday qarax ismiidaamin ah oo lagula beegsaday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi maanta oo sabti ah.

Qaraxan oo ka dhacay dibada hotel ku yaala magaalada baydhabo ayaa waxa ku dhintay saddex qof oo kale, halka ay ku dhaawacmeen shan qof, kuwaas oo lagu dawaynayo goobaha caafímaadka ee ku yaala magaalada Baydhabo.

Weerarkan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow, waxa sheegtay masuuliyadiisa ururka Al-shabaab.

Dhinaca kale qarax kale oo loo adeegsaday miino lagu aasay wadada ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.