Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Shanaad Loo Doortay Madaxweynaha Jabuuti

Jabuuti, (HCTV) – Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Ismaaciil Cumar Geelle markii shanaad loo doortay Madaxweynaha dalkaasi kadib doorasho ka dhacday maalintii shalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loo doortay inuu markii shanaad hoggaamiyo dalka Jabuuti oo uu helay 98.41%  guud ahaan codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay laga dhiibtay.

Halka musharaxii la tartamayay oo la yidhaa Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee codadka doorashada.

Ismaaciil Cumar Geelle   ayaa xilka madaxweynaha dalka Jabuuti loo doortay sanadkii sanadkii 1999, waxaana uu noqonayaa mid ka mid ah madaxweynayaasha ugu xukunka dheer Afriká.

Dalka Jabuuti oo ah dal yar oo ku yaala Geeska Afrika ayaa ku yaala mandaqad aad muhiimm u ah oo Istaraataji, waxaana sidoo kale dalka Jabuuti uu martigaliyaa saldhigyo ciidan oo ay ku leeyihiin dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Shiinaha.