Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Oo Xilkii Laga Qaaday Kadib Markii Uu Is-hortaagay Kulankii Baarlamaanka Ee Maanta

Muqdisho, (HCTV) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare.
Xil ka qaadista taliye Saadaq John ayaa timid kadib markii uu awood ciidan ku joojiyay kulankii uu maanta yeelan lahaa Baarlamaanka Somalia oo ka dooddi lahaa mooshin ku saabsan doorashada.
Waxaanu Taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Banaadir uu sheegay in sababta ay u joojiyeen kulanka Baarlamaanka inay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen in barlamaanku boobo doorashada ama uu qaato go’aan muddo kororsi ah.
Taliye Saadaq Joon wuxuu sheegay in xildhibaanada barlamaanka aanay lahayn wax sharciyad ah oo ay kaga dooddaan arrimaha doorashada, isagoo u adeegsaday erey bixin ah” Xallaal ma tihiin”