Dhakhtar Caan Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Dabley hubeysan ayaa xaafada Albaraka ee degmada Hodan ku dishay Alle Ha u Naxariiste Dr Xasan Cismaan Ciise oo loo yaqaano Dr Buurane, kaasoo ahaa dhaqtar ku taqasusay cudurada Maqaarka.

Dhakhtar Xasan ayaa la sheegay xiliga la dilayay inuu ku sugnaa banaanka hore ee gurigiisa kadibna rag bastoolado ku hubeysnaa aay dhowr xabo kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa uuna ku geeriyooday isla goobta.
Kooxdii fulisay dilka dhaqtarka ayaa isaga baxsaday goobta aay ku dileen marxuumka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ehelada dhaqtarka kuwaas oo meydka ka qaaday meesha lagu dilay.
lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Dhaqtarka iyo cida dishayba, waxaana dilkaan uu ku soo beegmaya xili xalay Xaafada Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Kamaal Sheekh oo isna kooxdii dishay aay baxsadeen.