Galmudug, Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed Oo Ka Soo Horjeestay Muddo Kordhintii Loo Sameeyey Farmaajo

Gaalkacayo, (HCTV) – Maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed ayaa isku raacay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Soomaaliya si meesha looga  saaro xaaladda karin ee ka dhalatay muddo kordhintii uu barlamaanka sameeyay.

Labada maamul ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen waxay ku diideen wax muddo kordhin ah, waxayna isku raaceen in doorashada lagu galo heshiiskii 17 sebtember.
Waxay sidoo kale isku raaceen in meesha laga saaro wax kaste oo ka hor imaan kara ama caqabad ku noqon kara hirgalinta heshiiskii doorasho ee 17 september.
Galmudug iyo Hirshabelle waxay ahaayeen maamulada wada shaqaynta dhow laleh dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo markii hore taageeray go’aankii barlamaanka.

Dhinaca kale Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen maamulada kale ee Galmudug iyo Hirshabeelle ee ka soo horjeestay muddo korarsiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale oo dhaweysay go’aanka uu qaatay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo ku baaqay in doorasho la aado lagula laabtay wadahadalladii socday.

Koonfur Galbeed ayaa ku baaqday, In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.

In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.

In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonto madaxtooyada Soomaaliya mar haddii go’aan isku mid ah oo ka dhan muddo korarsiga qaateen saddexda maamul gobolleed ee siyaasad ahaan aadka ugu dhawaan Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Horay waxaa go’aanka muddo korarsiga u diidanaa maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland, taasoo ka dhigan in hadda shanta dowlad gobolleed qaateen mowqif isku mid ah.