Midowga Musharixiinta Somalia Oo Golaha Baarlamaanka Uga Digayaan Inay Qaadaan Talaabo Kale Oo Lagu Dibin Daabyaynayo Xasiloonida

Muqdisho, (HCTV) – Qoraal ka soo baxay Midowga Mushariixiinta Somalia ayaa lagu sheeegay, inay uga digayaan Gudoonka Golaha Shacabka ee mudo xileedkiisu dhamaaday inay qaadaan talaabo kale oo lagu dibin daabyaynayo xasiloonida iyo geedi socodka Somalia sidii dhacday 12-kii April 2021-ka.

Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay midawga musharixiinta Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan heshiis laga gaadho doorashooyinka Somalia, sidaa darteedna ay ugu baaqayaan inuu Faraha kala baxo hawlaha doorashooyinka, isla markaana uu baneeyo xaFíiska uu sida sharci darada ah u degan yahay ee Villa Somalia.

Dhinaca kale waxa qoraalka ka soo baxay midaga musharixiinta lagu sheegay in Raysal Wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xusseen Rooble loogu baaqayo inuu la wareego hoggaanka doorashada.