Wefti Ka Socda Dawladda Qatar Oo Somaliland Soo Gaadhay

Hargeysa, (HCTV) – Wefti ka socda dawladda Qadar ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa, weftigan ayaa waxa hoggaaminaya ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibada ee Qadar Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Ergeygan Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Qatar ayaa mudo dheer ahaa diblomaasi ka shaqaynayay Wasaarada Arrimaha dibedda dalkaasi, waxaana Socdaalka weftiga  Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani  markii ay soo gaadheen Somaliland waxa qaabilay oo soo dhaweeyey ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, ahna wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan.