Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Damiin Ku Sii Daysay Musharixiintii ka xidhnaa xisbiyada mucaaradka Somaliland

HomeSomali News

Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Damiin Ku Sii Daysay Musharixiintii ka xidhnaa xisbiyada mucaaradka Somaliland

Ciraaq: Mowjado Kulayl Ah Oo Beddelay Hab-nololeedkii Shacabka
Pakistan: Madarasad Soo Saartay Hal Milyan Oo Xaafidul Qur’aan
Qorshaha Dawladda Soomaaliya Ee Dhibaatada Webiga Shabeelle
Deg-deg: Dagaal Ka Dhacay Tuke-raq (Akhri)
Turkey: Ayeeyo 107 Jir Ah Oo Noqotay Haweenaydii 2aad Ee Ka Kacday Cudurka COVID-19

Hargeysa, (HCTV) – Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiyada kasii daysay 3 musharax oo in muddo ah ka xidhnaa xisbiyada mucaaradka, kuwaasi oo uu xadhigoodu cadho ka dhex abuuray mucaaradka iyo xukuumada.

Musharixiinta lasii dayay ayaa kala ah Cabdilaahi Xasan Xirsi iyo Cabdiraxman Yusuf Cali oo ka sharaxan xisbiga UCID iyo Qasim Aadan Sulayman oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

Musharixiintan ayaa ku eedaysnaa in ay ka been sheegeen aqoontooda wax barasho, sidookalena musharax Qasim Adan Sulayman ayaa si gaara ugu eedaysnaa in uu xidhiidh la leeyahay dowlada Soomaaliya.

Xukuumada Somaliland oo markii hore ku adkaysanaysay in ay musharixiinta maxkamad la tiigsanayso ayaan ilaa hada ka hadal waxa sababay sii dayn tooda.

COMMENTS