Golaha Deegaanka Berbera Oo Doortay Maayarka Iyo Maayar Ku Xigeen

Berbera, (HCTV) – Xildhibaannada Golaha Deegaanka Berbera, ayaa saaka markale u doortay Duqii hore ee magaalada Cabdishakuur Maxamuud Xasan, halka ki xigeeena loo doortay Nuur Cabdi Jaamac Nuur Cade.

Kalfadhigii koowaad ee Golaha Deegaanka Berbera waxaa ka soo xaadiray 11 xildhibaan oo 7 xubnood u codeeyeen Maayar ciddin, halka ku xigeenkiisu helay 7 cod.

Maayar Ciddin,waxaa la looĺlamay Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo isagu helay 3 cod, halka ku xigeenkiisa Aadan Dheere uu helay 4 cod.

Ninkii sida weyn u qabsaday baraha bulshada Maxamed Ibraahin Dable, ayaan isagu ka soo xaadirin fadhiga saaka, taasoo loo macnayn karo inuu ka rajo dhigay loollankii adkaa ee uu ku jiray.