Shirka Golaha Wadatashiga Soomaaliya Oo Go’aamo Ku Saabsan Jadwalka Doorashada Soo Saaray

Muqdisho, (HCTV) – Golaha wadatashiga qaran ee doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha doorashada uga socday Muqdisho.

Golaha wadatashiga qaran ayaa isku raacay in doorashada madaxweynaha la qabto tobanka bisha October ee sanadkan, waxay sidoo kale soo saareen qodobo kale.
Halkaan hoose ka eeg jadwalka doorashada.
1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)
2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)
3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)
4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)
5. Doorashadda Xildhibaanada Doorashadda Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)
6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)
7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021).
Dhinaca kale, Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland.