Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Khamri Lagu Soo Qariyey Jawaanada Qaadka Oo Ay Qabteen

Hargeysa, (HCTV) – Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay qabtaan khamri lagu soo qariyay jawaanada qaadka oo ay sideen baabuurta qaadka loogu talo tagalay, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Taliye Dabagale ayaa waxa kale oo uu sheegay in Askartii qabatay Khamrigan in la isku dayey in lacag $3000 dollar gaadhaysa in lagu laaluusho.

“Jawaanada aad arkaysan, ee qaad ku kujiro maaha qaad” sida waxa yidhi taliyaha booliiska Jeneral Dabagale.
“Baabuurtii qaadka ayaa khamri lagu soo guray, dushana qaad baa lagaga soo guray” ayuu hadalkiisa ku daray Dabagale.
Taliyaha ayaa sheegay in askartii khamriga qabatay laysku dayay in la laaluusho balse ay iska diideen.
“Gabadhii Khamriga Lahayd $3000 Ayay Usoo Dhiibtay Laba Inan Oo Ay Tidhi Labadii Askari Ee Qabtay Siiya” yuu yidhi.
“Xataa haday lacagta ku qanci waayeen gaadhiga in lagu wareejiyo oo nootayo loo saxeexo ayay usoo gaadhay”.
“Nasiib wanaag askartii lacagtii intay ka qaadeen ayay labadii inan qabteen, lacagtii, khamrigi, gaadhigi iyo inamadiba iyagoo wada ayay nookeneen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Dadka ka ganacsada maandooriyaha, ayaa isticmaala tabo kala duwan oo ay khamriga iyo xashiishada kusoo galiyaan Somaliland. ‘