Guddida Dib U Heshiisiinta Gobolka Gedo Oo Gaadhay Magaalada Garbahaarey

Garbahaaray, (HCTV) – Guddida dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee uu magacaabay raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gaaray magaalada Garbahaareey ee magaalo madaxda gobolka Gedo.

Guddigan oo ah wasiirro ka socda afar dowlad goboleed, ayaa halkaas u tagay sidii ay u bilaabi lahaayeen howlaha dib u heshiisiinta gobolka Gedo.
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hirshabelle ayaa guddoomiye u ah guddigan, waxayna shaqadooda ugu horaysa ka bilaabi doonaan in ay kulamo la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddiga dib u heshiisiinta wuxuu ka masuul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda Magaalada Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Waxyaabaha laga sugayo waxaa kamid ah in ay soo jeediyaan min labo Xubnood oo ah jagada Gudoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Garbahaareey iyagoo latashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Guddigan waxaa la faray in ay qorshaha xasilinta Gobolka Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey kusoo dhameystiraan muddo 30 maalmood gudahood ah.