Garab Ka Mid Ah Xildhibaanada xisbiga UCID Oo Heshiis Isbahaysi La Galay Kulmiye

Hargeysa, (HCTV) – Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka KULMIYE, xildhibaannada xisbiga uga soo baxay doorashooyinkii wakiillada iyo garab isugu jira siyaasiyiin iyo 11 (Kow iyo toban) xildhibaan oo kasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta heshiis la iskula gartay cidda loo sharrixi doono shir-guddoonka golaha wakiillada ku kala saxeexday magaalada Hargeysa.
Munaasibadda heshiiskan lagu kala saxeexday oo ay goob-joog ka ahaayeen hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, xildhibaannadii xisbiga KULMIYE golaha wakiillada uga soo baxay, garab katirsan xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo ay hoggaaminayaan 11-xildhibaan oo golaha wakiillada ah iyo siyaasiyiin iyo halkdoor kale, ayuu nuxurkeedu ahaa sidii wada-jir loogu dhisi lahaa saddex xildhibaan oo kasoo kala baxay xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo ay labada dhinac isla garteen inay noqdaan xubnaha noqon doona shirguddoonka golaha wakiillada, kuwaas oo kala ah xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo xisbiga KULMIYE u sharraxay guddoomiyaha golaha wakiillada, Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo u kala sharraxan guddoomiye-ku-xigeenka koowaad iyo labaad e golaha wakiillada, kana soo baxay xisbiga UCID.
Ugu horrayn Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid oo katirsan garabka UCID ee maanta heshiiska saxeexay, siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Axmed Cabdi Muuse Abyan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ujeeddada heshiiska labada xisbi, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay ka go’an tahay in wada-jir loo dhiso saddexda xildhibaan ee mudaneyaasha KULMIYE iyo UCID usoo sharraxeen shir-guddoonka golaha wakiillada.
Xildhibaan Siciid Faarax Mire (Giirre) oo loo gartay inuu u tartamo jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, ayaa isaguna dhankiisa xildhibaanada KULMIYE iyo hoggaanka xisbigaba uga mahadnaqay inay soo dhaweeyeen rabitaankiisa shirguddoonka golaha, waxana uu caddeeyey inuu si buuxda ugu kalsoon yahay in heshiiska cusub ee maanta labada dhinac kala saxeexdeen uu horseedi doono gaadhitaanka yoolka shir-guddoonka.
Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo u sharraxan jagada guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee shirguddoonka wakiillada, ayaa shaaciyey in xisbiga UCID dhexdiisa lagu curdin-dhadhiyey hankiisii aan qarsoonayn ee la xidhiidhay shirguddoonka, balse uu hankaasi soo dhaweyn ka helay dhinaca xildhibaanada KULMIYE, taasina ay keentay inay labada dhinac ku heshiiyaan dhismaha shirguddoon labada xisbiba katirsan.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey heshiiska cusub ee labada dhinac kala saxeexdeen, waxana uu sheegay in saddexda xildhibaan ee loo xulay shirguddoonka wakiilladu yihiin rag shirraban, lagu kalsoon yahay, golahana hoggaamin kara.
Siyaasi Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan) oo kamid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey muhiimadda ay leedahay in rag aqoontooda iyo kartidoodaba lagu kalsoon yahay loo xulo shirguddoonka wakiillada, waxana uu tilmaamay in xidhildhibaanada KULMIYE iyo garabka cusub ee xisbiga UCID kasocdaaba isla garteen in saddexdaas xidhibaan lagu taageero hammigooda la xidhiidha hoggaaminta golaha cusub ee wakiillada.
Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo isbahaysiga KULMIYE iyo garabka UCID u sharraxeen jagada guddoomiyaha golaha wakiillada oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna dhankiisa ka mahadnaqay taageerada labada xildhibaanada labada xisbi u muujiyeen, waxana uu xusay inuu si hufan qarankiisa ugu adeegi doono haddii uu hammigiisu guulaysto.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa guul siyaasadeed ku tilmaamay heshiiska cusub ee xisbiga KULMIYE iyo garabka UCID wada saxeexdeen, waxana uu xusay inay dhinacyadu ka wadashaqaynayaan sidii uu heshiiskaasi u guulaysan lahaa.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sharraxay shaqsiyadda xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, waxana uu shaaciyey inay xisbi ahaan hore isula garteen guddoomiyenimadiisa, labada ku-xigeen ee xisbiga UCID kasoo baxay iyo xildhibaannada ay wataanna ku dhisayaan hammigooda.
Ugu dambayntii waxa halkaas lagu kala saxeexday heshiis buuxa oo ay dhinacyadu iskula garteen wada-hir loogu codeeyo sidii ay xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), xildhibaan Siciid Faarax Mire (Giirre) iyo xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) u noqon lahaayeen shirguddoonka golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.