Ethiopian Airlines Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Inay Hub Iyo Askar U Rartay Dagaalka Ka Dhanka Ah Tigrayga

 

Addis Ababa, (HCTV) – Shirkadda Diyaaraha ee Ethiopian Airlines oo ah ta ugu balaadhan Afrika ayaa maanta gaashaanka ku dhufatay inay hub iyo ciidan u qaaday gobolka dagaaladu ka socdo ee Tigrayga Ethiopia.

Shirkadan oo ah mid ay dawladu leedahay ayaa waxba kama jiraan ku tilmmaantay dhawaaqyo soo baxayey oo dhex xulayey baraha warbaahinta bulshada oo ku eedaynayey Ethiopian Airlines inay ku lug yeelatay dagaalka sagaalka bilood ka socday Waqooyiga Ethiopia.

“Ethiopian Airlines waxay si adag u diidan tahay dhamaan eedaymaha aan sal iyo baar toona lahayn ee dhex wareegaya baraha bulshada, ee sheegaya in diyaaradu ay hub iyo ciidan u daabushay gobolka Tigrayga.

Waxay Ethiopian Airlines ay sidaasi ku sheegtay war-saaafadeed ay soo dhigtay Twitter-ka, iyadoo intaasi ku dartay in dagaalka qadhaadh ee u dhexeeya ciidamada dawlada iyo is-bahaysigooda ee ka dhanka ah Jabhada Tigrayga inuu galaaftay nolosha kumanaan qof, halka boqolaal kun oo kalena uu gayaysiiyey abaar.