Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Qaabilay Xubanaha Loo Doortay Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan hambalyo ah la qaatay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada cusub ee Somaliland, iyo  Siciid Mirre Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil, oo ku kala guulaystay jagooyinka guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee golaha wakiilada.

Madaxweynaha ayaa doorashada shirguddoonka golaha wakiilada cusub ee Somaliland ku tilmaamay guul taariikhi ah oo umada reer Somaliland gaadhay, wuxuuna hambalyeeyay xubnaha golaha wakiilada, shirgudoonka la doortay iyo xubnihii u tartamay shirguddoonka ee aan ku guulaysan.
“Maanta waa maalin taariikhi ah, Somaliland waxay ugu suntanaan doontaa baal dahab ah, maanta Alle wuxu ina dhaagsiiyay guulwayn oo dhamaan Somaliland oo dhami ku guulaysatay, oo wixii Somaliland jecelina uu ku farxayo cadowguna uu ku jabayo, waxan hambalyaynayaa xubnaha golaha iyo 6 xildhibaan ee tartamay ” ayuu yidhi madaxweynuhu.
“Maanta waxan leeyahay waa maalin Somaliland faanayso, cadowga Somaliland waxaan leeyahay Somaliland halkasay gaadhay, Somaliland cadowga qudha ee kasoo horjeeda ee maanta Xamar ku rafanaya waxan leeyahay waad daawanayseen Somaliland dimuquraadiyada ugu fur furan iyo tartanka ugu adag, in qof waliba qaranimada ilaalinayo” ayuu yidhi.
Doorashada shirguddoonka golaha wakiilada Somaliland oo loolan adag iyo olole aan waxba layskula hadhin soo martay todobaadyadii lasoo dhaafay, ayaa maanta xubnaha wakiiladu doorteen shirguddoon cusub oo oo golaha shirguddoomin doona mudada 5 sano ah ee soo socota.