Baarlamaanka Puntland Oo Doortay 11 Xildhibaan Oo U Matali Doona Aqalka Sare Ee Soomaaliya

Garoowe, (HCTV) – Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah doortay 11 xildhibaan oo Puntland u matali doona barlamaanka labaad ee aqalka sare.

Puntland  ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyay ee labo maalin gudaheed kusoo gabagabeeya doorashada aqalka sare.
Musharraxiinta guulaystay dhammaantood lama aysan kulmin tartan adag sida la filayay, waxaase xusid mudan in 9 kamid ah dadkii la tartamayay ay ka tanaasuleen doorashada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  aqalka sare kusoo daray xubno kamid ah golihiisa wasiiradda iyo guddoomiye gobol, wuxuuna meesha ka saaray siyaasiyiin horey kuraasta ugu fadhiyay, oo kala ah, Cumar Cabdirashiid, Cabdirisaaq Juurile iyo Maxamuud Mashruuc.
Musharraxiinta guulaystay ayaa kala ah:-
1: Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino) (Wasiirkii dekedaha Puntland
2: Cabdiqani Geelle Maxamed,    wasiir udowlihii kalluumaysiga Puntland
3: Seynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye) wasiir ku xigeenkii deegaanka Puntland
4: Cabdullahi Cali Xirsi ( Tima-cadde) (wasiirkii warfaafinta Puntland)
5: Maxamed Cali Yuusuf ( Gaagaab)
6: Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Senotoradii hore)
7: Farxaan Cali Xuseen                       (Senotoradii hore)
8: Sareed Maxamed Jaamac
9: Daahir Ayaanle Siciid
10: Cabdisamad Yusuf Maxamed ( Abwaan) (Guddoomiyihii gobolka Bari)
10: Samiira Maxamuud Xaaji Cawad.