Dibad-Bax Lagaga Soo Horjeedo AMISOM Oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Banaanbaxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Taalada Daljirka Dahsoon ee ku taala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxaa looga soo horjeeday dilkii dhawaan ay u geysteen ciidamada AMISOM dad shacab ah oo ku noola deegaanka Golweyn gobolka Sh/hoose.

Dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ahayeen dil gardaro ah doonimeyno Xasuuq dooni meyno iyo erayo kale oo ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay deegaanka Golweyn.
Banaanbaxayaasha qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in AMISOM ciidankeeda si bareer ah oo arxan daro ah ay u dileen dadka rayidka ahaa, islamarkaana falkaasi ay ku tilmaameen inuu ahaa xasuuq loo geystay dad beerahooda iyo aqaladooda ku sugnaa.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan AMISOM ay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha hoose ku dileen 7 Ruux oo Shacab ahaa kadib markii qarax lala beegsaday.
Waxaana banaanbaxa maanta uu kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Uganda oo Yuweri Musavani uu qirtay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya geysteen falkaasi.