Madaxweynaha Somaliland Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Kala-baydh Iyo Gabiley.

Gabiley, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan ku sugnaa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyey Kalabaydh iyo Gabiley, halkaas oo Madaxweynaha lagu qaabiley roog-cas, Caleemo qoyan iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay dadka deegaanka Kalabaydh ayaa uga mahad celiyey soo dhaweynta balaadhan ee ay u sameeyeen weftiga madaxweynaha, waxaana uu kula dardaarmay inay ilaashadadaan nabad-gelyadooda, wada jirkooda, sidoo kalena ay soo dhaweeyaan Aagga ka caagan cashuuraha ee dhawaan laga higgelin doono Banka Tog-wajaale.

Intaasi ka dib Madaxweynuhu waxa uu u kicitimay dhanka magaalo madaxda gobolka Gabiley oo si weyn loogu soo dhaweeyey iyadoo loo gelbiyey dhinaca Jaamacada Timada-cade oo ay maanta ka qalin-jabinayeen arday dhamaysatay qeybaha kala duwan ee Waxbarashada heer jaamacadeed.