Rooble Iyo Farmaajo Oo Fiintu Dhex Miranayso, Wareegtada Lagu Hakinayo Awoodaha Raysal Wasaaraha Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyey

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamay wareegto uu soo saaray madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia oo uu ku sheegay inuu ku hakinayo awoodaha Raysal wasaaraha, mid hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Somalia.

“Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.”
“Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka  99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F}  {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Ra’iisul wasaaraha.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka “ Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah.Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin.”
Ra’iisul wasaaraha waxaa kalo uu ku eedeyay Madaxweynaha inuu jabiyay dhammaan heshiisyada lagu gaarayay doorashada, iyadoo uu ballanqaaday inuu diiradda saarayo dhammeystirka doorashada.
Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo muddooyinkaanba taagnaa, ayaa waxaa uga sii darray markii Madaxweynaha uu maanta sheegay inuu dhimay awoodda wasiirka koowaad, iyadoo tani ay sii murjineyso hubanti la’aanta doorasho la isla ogalyahay oo dalka ka dhacda.