Taiwan oo ka jawaabtay weerar afka ah oo China ku qaaday Taiwan iyo Somaliland

Jimco, October, 15, 2021 (HOL) – Afhayeen u hadashay wasaarada arrimaha didabadda ee Taiwan, ayaa waxba ka majiraan ku tilmaantay warbixin uu qoray wargayska Global Times, ee ku hadla afka dowlada China, kaasi oo xukuumada Taipie  ku eedeeyay in ay laaluush siiso siyaasiyiinta Somaliland iyo qoysaskooda si ay u buun buuniyaan qadiyada madax-bannaanideeda.

Sida lagu daabacay jarriirada Taipie Times nuqul keedi soo baxay 12, October, afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda Taiwan Joanne Ou ayaa beenisay eedaynta Global Times, oo sheegay in Taiwan ay isticmaalayso wax uu ugu yeedhay “siyaasada dollarka” oo ah in Taiwan lacag Maraykanku uu bixinayo ku laaluushayso siyaasiyiinta Somaliland, si ay u buun buuniyaan qadiyada madax-bannaanideeda.

Ou waxay warbixintan Global Times ku tilmaantay mid been abuur ah oo looga gol leehahay in lagu dhaawaco sumcada Taiwan, waxayna intaa ku dartay in Maraykanka iyo Taiwan ay ka wada shaqaynayaan mashaariic cilmi-baadhiseed oo la xidhiidha, xidhiidhka Maraykanka iyo Taiwan iyo xidhiidhka Taiwan iyo adduunka taasi oo aanu waxba ka fahmi karin maamul macan gag ahi ayay tidhi, sida Taipie Times qortay.

Ou ayaa intaa ku dartay in Taiwan iyo Somaliland ay ka wada shaqaynayaan mashaariic lagu horumarinayo nolosha dadka reer Somaliland.

“Tan iyo markii Somaliland iyo Taiwan ay is waydaarsadeen xafiisyadooda sannadkii hore, labada dowladood waxay bilaabeen mashaariic lagu horumarinayo beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo waxbarashada Somaliland, si loo horumariyo nolosha dadka reer Somaliland” ayay tidhi Ou.

Xukuumadaha Somaliland iyo Taiwan oo labadooduba aan haysan aqoonsi caalamiya, ayaa bishii 8aad ee sannad kii hore yeeshay xidhiidh dibulumaasiyadeed, oo ka xanaajiyay dowlada awooda badan ee China, China ayaana ugu baaqay Somaliland in ay ka laabato xidhiidhka Taiwan balse, Somaliland ayaa ku gacan saydhay dalabka Beijing.