5 Qof Oo Ku Geeroyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargeysa

Hargeysa, (HCTV) – Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyooday, sideed kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo caawa ka dhacay galbeed Hargeysa, sida ay warbaah8inta u xaqiijiyeen ciidamada heeganka Booliska iyo masuuliyiinta  Cisbitaalka Hargeysa.

Shilkan oo ay sababeen laba gaadhi oo Nooho iyo Dhayne ah oo isku dhacay ayay ku dhinteen 3 Dumar ah, hal nin iyo ilmo yar.

Halka dadka ku dhaawacmay oo 8 qof ah dhaawacooda lagu dabiibayaa cisbitaalka guud ee Hargeysa.
https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1036002787243397&id=136020597241625