Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirkaTurkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulanka ay yeesheen labada ayay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu soo dhigay twitter-ka.