Dawlada Ethiopia Oo Duqayn Cirka Ah Ka Fulisay Caasimada Gobolka Tigray

Mekelle, (HCTV) – Dawladda Federalka ee Ethiopia ayaa Weerarkan dhinaca cirka ah ku qaaday caasimada gobolkan ku yaala waqooyiga Ethiopia ee Tigray maanta oo Arbaca ah, sida uu ku waramay TV-ga gobolkaasi.
Waxaanu weerarkani uu noqonayaa kii labaad ee todobaadkan ka dhaca Mekele.
Ilaa iyo hada ma cada khasaaraha weerarkan.
Dawlada dalka Ethiopia iyo Jabhada TPLF ayaa mudo sanad ah uu dhexmarayey dagaal kumaan ku dhinteen, malaayiin kalena ku barakaceen.