Magaalada Hargeysa maanta waxa lagaga dhawaaqay Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland +Sawiro

Hargeysa (hctv.tv) Urur Siyaasadeed Cusub oo Hargeysa lagaga dhawaaqay oo Gudoominayo Aqoonyahan Reer Somaliland ah…..
Munaasibad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne tiro badan oo ka kala yimid Xaafada kala duwan ee magaalada Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay qorshayaasha dhaadheer ee Xisbigu rabo in uu dalka ku maamulo hadii ay qabtaan talada dalka

Khadar Cabdilaahi Jaamac iyo Cabdiqaadir Qorane oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland maadama oo uu ku dhiiraday in uu furo ururada. Fursad wacana siiyay aqoonyahanka dalka. Ee raba in ay ka qayb galaan siyaasada dalka

Khadar Cabdilaahi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeyay marxaladihii kala duwana ee uu soo maray ururku waxanu yidhi “Ururkan waxa aas-aasay Aqoonyahan Axmed Cabdala oo degan dalka Holland.kaas oo mudo dheer indhaha ku hayay siyaasada guud ee dalka Sido kalana bulshada raba in uu wax u qabto”

Cabdiqaadir Qorane oo isna ka hadlay xaflada ayaa sheegay in bulshadu haatan rabto isbedel balaadhan oo la jaanqaadaya caalamka waxanu yidhi” ururkan waxa uu yahay ururkii ugu horeeyay ee dalka lagaga dhawaaqay. Waxanan u mahadnaqaya Madaxweynaha oo tacab badan geliyay Sidii ururada loo furi lahaa. Waxanan leeyahay taariikhda qori doonta ”

Waxa kale oo iyana xafladas ka hadlay qaar ka mid ah aqoonyahankii ka soo qayb galay xafladaas kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay ku faraxsan yihiin ururkan maanta lagu dhawaaqay. Isla markaana ay wadaan Aqoonyahano dalka wax badan ku soo kordhin doona

Gudoomiyaha ururka maanta Lagu dhawaaqay ayaa degan dalka Holland. Waxanu mudooyinkii ugu dambeeyay isha ku hayay siyaasada Somaliland. Bulshada Somaliland ayaa si wayn usoo dhawaysay ku dhawaaqida ururkan.

Cabdikariim Siciid Saalax
Somalialdn143@gmail.com
HArgeysao, Somaliland