“Waxaan Ku Dhawaa Inaan Man City Ku Biiro Kaddib….” – Ronaldo Oo Ka Warramay Qaabkii Uu Man United Ugu Soo Laabtay


Weeraryahanka kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo oo waraysigii uu dhinacyada badan ku taabtay la faaqidayo ayaa sidoo kale ka hadlay qaabkii uu ugu dhawaa inuu ku biiro kooxda Manchester City.

Ronaldo ayaa sheegay inuu ku dhawaaday heshiis uu ugu biirayo kooxda buluuga ah ee magaalada Manchester balse uu Red Devils kusoo weeciyay tababarihiisii hore ee Sir Alex Ferguson.

“Waxaan ku dhawaa inaan ku biiro Manchester City 2021-kii, waan la yaabanaa maadaama oo ay si adag iskugu dayeen inay ila saxeexdaan” ayuu ugu horreynba yidhi 37 sano jirkaasi.
“Balse qalbigayga iyo taariikhdayduba waxay ahaayeen Man United, Sir Alex Ferguson ayaa sameeyay kala duwanaanshaha, qalbigayga ayaa si cod dheer u hadlayay wakhtigaas”.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa sheegay in Manchester ku qaldantay inay magacawdo Ralf Rangnick kaddib shaqo ka caydhintii Ole Gunnar Solskjaer.

“Marka aad caydhiso Solskjaer, waa inaad keento tababare heer sarre ah ee maaha inaad keento agaasime ciyaareed (Ralf Rangnick)”.
“Waan jeclahay Solskjaer, marnaba Rangnick umaan arkayn tababaraha sababtoo ah waxaan ku arkay waxyaabah qaar aanan marnaba ku raacin”.